Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow

Muqdisho, Maarso 10, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top