MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA JANARAAL CABDULQAADIR CALI DIIRIYE

Muqdisho, Luulyo 3, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Cabdulqaadir Cali Diiriye (Subxaanyo) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii uu Marxuumku u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyed iyo doorkii uu ku lahaa difaaca dalka oo uu ku muteystay Billad Geesi, taas oo tusaale wanaagsan u ah muhiimadda ay leedahay u shaqeynta dadkaaga iyo dalkaaga, isaga oo burbarkii kaddib door ka soo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir Cali Diiriye oo muddo dheer si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top