Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida halyeyadii ku shahiiday qarixii argagixisanimo ee Gaalkacayo

Muqdisho, Diseembar 18, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey, saraakiisha kale iyo halyeeyada u taagnaa nabadda, xasilinta iyo horumarka Gobolka Mudug.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top