MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA CIYAARYAHAN SICIID DUCAALE

Muqdisho, Abriil 02, 2020: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka teleefanka kula xiriiray marwadii iyo qoyska uu ka baxay halyeeygii Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta iyo Kooxda Horseed Marxuum Siciid Ducaale oo ku geeriyooday magaalada Cadan ayaa uga tacsiyeyay geeridan xanuunka badan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Siciid Ducaale uu ahaa ciyaaryahan magac iyo sharaf u soo hoyay Xulkeenna Qaranka iyo kooxihii uu matalay ee gudaha iyo dibadda.

“Innaa Lilaahi wa innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto halyeey Siciid Ducaale, qoyska, Qaranka iyo guud ahaan bahda Isboortiga Soomaaliyeedna ha ka siiyo samir iyo iimaan.”

Marxuum Siciid Ducaale wuxuu usoo ciyaaray Xulalka Qaranka ee Soomaaliya iyo Yemen, isaga oo sidoo kale u ciyaaray kooxda Horseed iyo kooxo ka dhisan Imaaraadka Carabta, Masar iyo Yemen.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top