MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA CIYAARTOOYDII KU SHAHIIDAY QARAXII MAGAALADA KISMAAYO

Muqdisho, Luuliyo 30, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey dhallinyaradii ku geeriyootay qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, dhallinyarada kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna in Eebbe u boogo dhayo.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top