MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA XUKUUMADDA CUSUB EE ITOOBIYA

Addis Ababa, Oktoobar 04, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaaasabadda Caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, Nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda Cusub u rajeeyey in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Dowladda Itoobiya waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top