Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka

Muqdisho, Juun 22, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyagoo hoosta ka xariiqay in Madaxtooyada Qaranku kasii shaqeyso qabsoomidda Shirkii Amniga Qaranka ee martiqaadkiisa lagu baaqay 14-kii bishan Juun, 2020.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee ka qeyb galay kulankan ayaa isla gartay muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba, wax walibana lagu saleynayo wadatashiga iyo is-ogolaansho.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top