Madaxweyne Farmaajo oo Farriin Tacsi ah u diray Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Muqdisho, Oktoobar 08, 2019.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top