Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal tacsi ah u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho, Ogosto 13, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Adeerkii Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan ehelada, qoyska iyo qarabaada uu ka tagay.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan idinla qeybsanayaa murugada geerida Adeer Sheekh Cusmaan Sheekh Cabdirixmaan oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan dhammaan ehelada iyo qoyska uu ka tagay Alle uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan idin ka siiyo, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh. Marxuumka Alle ha u danbi dhaafo, hooygiisana haka yeelo Jannatul Firdows.”

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top