MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY WAFDIGA TURKIGA IYO DIBLOMAASIYIINTOODA U JOOGA SOOMAALIYA

Muqdisho, Ogoosto 20, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah.
” Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo is dhexgalka labada shacab ee Turkiga iyo Soomaaliya.
“Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeyb sanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed.
Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Murshal Shiikh, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Dr. Mehmet Yılmaz. Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top