Muqdisho, Nofeembar 21, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.
Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.
“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia