Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb

Muqdisho, Luuliyo 18, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomin doona Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal iyo Ku Xigeennadiisa, Xubno ka tirsan Goleyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinasanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa Madaxda Heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka iyo bulshada rayidka ah.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top