MADAXWEYNE FARMAAJO IYO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN KU YEESHAY MADAXTOOYADA QARANKA

Muqdisho, May 21, 2022; Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top