Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxtooyadda ku qaabilay Gabdhaha Agoonta ah ee Iskuulka Boondheere, kaas oo dhismihiisa iyo taakuleyntiisaba uu qayb weyn ku lee yahay Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa xog wareystay xaaladda Ardayda Agoonta ah ee dugsigan, iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo macallimiinta oo uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay in ay gacanta ku hayaan dugsiga gabdhaha agoonta ah ee Boondheere.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top