MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO KORMEER KU TAGAY XERADA CIIDAMADA GUUTADA CALI BINU ABIIDAALIB EE DEGMADA MAXAAS

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii ay usoo gabagabayn-lahaayeen wejiga koowaad ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay bilowgii dagaalka dalkeenna looga xoreyneyno Khawaarijta diyaar garowga sidii la rabay in uusan aheyn islamarkaana dalka ku jiray xaalad abaareed oo ba’an, balse maanta ilaahay mahadiis Soomaaliya waxa ay heysataa Ciidan ka tayo iyo tiro badan markii dagaalka Khwaarijta la bilaabayay , diyaarna u ah inay naftooda u huraan dalkooda iyo dadkooda.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top