MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH IYO MADAXWEYNAHA UGANDA YOWERI MUSEVENI OO KA WADA HADLAY WAJIGA LABAAD EE DAGAALKA KHAWAARIJTA LOOGA CIRIBTIRAYO SOOMAALIYA

Muqdisho, Maarso 20, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga Madaxtooyada Uganda kula kulmay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay dagaalka dowlada Soomaaliya ay kula jirto argagixisada iyo qorsheyaasha ku qotoma shirka Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee TCC (Troop contributing countries) oo dhawaan ka qabsoomi doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ay ka gaartay la dagaalllanka argagixisada Alshabaab oo hadda galay waji labaad, isagoo xusay in dowladdiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto dagaallada sifeynta khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay ciribtirka argagixisada si dalkeenna hormuud ugu noqdo isbedelka hurumarineed ee gobolka iyo guud ahaan qaradda Afrika.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top