MADAXWEYNAHA JFS OO MAGACAABAY LATALIYAHA XAKAMEYNTA QULQULKA HUBKA SHARCI-DARRADA AH

Muqdisho, Maajo 16, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Mako Maxamuud Muuse in ay noqoto Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tallaabadani ay qeyb ka tahay qorshaha Qaran ee dalkeenna lagaga dulqaadayo cunaqabateynta Hubka ee saaraan, maadama ay muhiim tahay in la xaqiijiyo in hubka aanu galayn gacan aan ahayn tan sharciga iyo dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah Marwo Mako Maxamuud Xuseen in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegto Qaranka.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top