MADAXWEYNAHA JFS OO KULAN LA-TASHI AH LA QAATAY ISIMADA IYO HOGGAANKA DHAQANKA PUNTLAND

Garoowe, Ogoosto 28, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Safarka Madaxweynaha ayaa daaran fulinta Soomaali heshiis ah oo ahayd mid kamid ah mabaaddii’dii uu doorashada ku galay.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top