Muqdisho, Ogosto 7, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiggiisa dalka Turkiga Rejab Tayyib Erdogan khadka telefoonka kula hadlay ayaa ka wada hadlay dhinacyo badan oo quseeya xoojinta xiriirka labada dal iyo si guud gobolka Geeska Afrika.
Labada madaxweyne ayaa isla gartay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dar dar gelinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga ee ka dhexeeyay labada dal.
Madaxweyne Erdogan ayaa dhankiisa balan qaaday in Turkiga uu sii wadi doono dadaalladiisii hormarineed ee uu Soomaaliya ka waday, islamarkaana markasta ay diyaar uu yihiin ka shaqeynta Soomaaliya oo nabad iyo xasilooni ah.
Turkiga ayaa ahaa saaxib soo jireen ah oo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed garab u ahaa tan iyo sannadkii 2011, markaas oo ay xukuumadda Ankara indhaha adduunyada ku jeedisay ahmiyadda ay Soomaaliya ku leedahay gobolka.