Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa tilmaamay in DFS ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe Qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, isaga oo ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed in ay door ku yeeshaan ka hortagga xatooyada xoolaha hantida dadweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Madaxda Puntland, waa in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka. Raalli kama noqon karno in muddoo kooban lagu dumiyo tacab 24 sano aan soo dhiseynay”.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Xoogeena iyo xoolaheena dowladnimo noogama horeyso. Waad aragteen dagaalka Al-Shabaab xoogeena ayey guusha ku timid”