MADAXWEYNAHA JFS OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DANJIRAHA DOWLADDA SHIINAHA U JOOGA SOOMAALIYA

Muqdisho, Sibteembar 01,2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Dhankiisa, Danjiraha Dowladda Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gacan siinayaan adkeynta amniga, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta maalgashiga, isagoo xusay in ay ku garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ilaalinta madax-bannaanidooda dhuleed, siyaasadeed iyo difaaca gobanimda Qarankooda.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top