MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO MADAXTOOYADA QARANKA KAGA QAYB GALAY CASHO SHARAF LAGU MAAMUUSAYEY MUNAASABADDA 12-KA ABRIIL

Muqdisho, Abriil 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho Sharaf ku saabsan dabbaal-degga 12-ka Abriil ee Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu ku maamuusay Taliska iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliyeyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyey xuskii maanta loogu dabbaaldegayey Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga ku bogaadiyey geesiyaasheenna Xoogga Dalka sida nafhurnimada leh ee ay habeen iyo maalinba ugu taagan difaaca dalka, nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

“Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaad tihiin tiir dhexaadka difaaca dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed. Waxaad tihiin lafdhabarta madaxbannaanida iyo haybadda dowladnimadeenna. Shacabka Soomaaliyeed idinka ayuu idinku hurdaa. Waxaan idinku boorrinayaa inaad marwalba ku taagnaataan mabdi’iinna waddaniyadda iyo qarannimada ah, idinka oo fogaanaya afoodii hore inoo soo ragaadisay ee Qabyaaladda.”

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Dalka Mudane Cali Maxamed Geeddi, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno ka socday Goleyaasha Barlamaanka, Taliyeyaasha Ciidanka, Xoogga Dalka S/Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Booliska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed, Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka G/Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, Saraakhiisha Sarsare ee Ciidanka Xoogga iyo Marti Sharaf Kale.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top