MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAYA SHIR KU SAABSAN SIDII CIIDAMADA SOOMAALIYA AY ULA WAREEGI LAHAAYEEN AMNIGA DALKA

Kampala, Abriil 26, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu ka ga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda.

Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top