MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA ALLE HA U NAXARIISTEE JANARAAL ISMAACIIL AXMED ISMAACIIL

Muqdisho, Maarso 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumku ayaa tilmaamay in uu muddo dheer u soo adeegay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil waa mid murugo badan. Marxuumku wuxuu u soo adeegayey Qarannimada Soomaaliyeed muddo dheer, waxa uuna qeyb ka ahaa qorshihii aasaaskii Ciidanka Asluubta”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelka, shacabka iyo dowadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Sooma.aliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top