Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Jamaacada Salaadda Jumcaha ku oogtay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Fedreaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku doonayaan in ay ugu gurmadaan dadka waxyeeladu kasoo gaartay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo xusay in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad ka duwan tan dowladaha iyo shucuubaha kale ee dunida kaga aaddan musiibadan ayaa ka dalbaday qurba-joogta, ganacsatada iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in aysan u kala harin taakulaynta walaalaha Turkiga ee musiibadu ku habsatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Maamulka Soomaliland waa in uu dhageystaa rabitaanka dadka ree Sool. Midnimo ayaan rabnaa dadka laguma colaadinkaro sida aan adinkaba la idinkugu colaadineynin aragtida gooni u goosadka. Walaalka midnimada doonayana waxaan u sheegayaa midnimada nabad ayaan ku rabnaa.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Sharciyada cusub ee dowladdu sameyneyso waa kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, qaanuunka dal iyo dibadba waa na ilaalinayaa, qofka Soomaaliga ah naftiisa iyo xoolahiisa buu ilaalinayaa”

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top