MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA MAGAALADA DHUUSAMAAREEB UGA QAYB GALAY KULAN DADWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.

Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen ladagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo mideysani ay ku doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta, qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top