MADAXWEYNAHA JFS XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA GAARAY MAGAALADA BAYDHABO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed, goleyaasha kala duwan iyo bulshada Koonfur-galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed isagoo xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.

 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top