KU-SIMAHA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY GUDDIGA MADAXA-BANNAAN EE LA DAGAALLANKA MUSUQ-MAASUQA

Muqdisho, Luuliyo 24, 2021: Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa uga warbixiyey hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Madaxtooyada.

Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habeynta nidaamka shaqaaleysiinta Madaxtooyada, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, maamul wanaagga iyo hufnaanta maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay in Madaxtooyada Qaranku ay hormuud uga noqoto hay’adaha kale ee Dowladda hufnaanta maamul iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa maaliyadeed.

Dhankooda, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa dul istaagay dhibaatada uu leeyahay musuq-maasuqa iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta, iyagoo la wadaagay Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada wacyigelin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga iyo hirgelintiisa.

Ugu danbeyntii, Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuq-Maasuqa ayaa tilmaamay muhiimadda dalkeenna iyo horumarkiisa ay u leedahay la dagaallanka musuq-maasuqa, taas oo aasaas u ah xaqiijinta maalgashiyada caalamiga ah, kobaca dhaqaalaha, awoodsiinta dhallinyarada iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia
Youtube: @ Villa Somalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top