Khudbadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Shir Madaxeedka 33aad ee Midowga Afrika

Khudbadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Shir Madaxeedka 33aad ee Midowga Afrika
Addis Ababa, Itoobiya
10ka Febraayo 2020

Mudane Guddoomiya Cyril Ramaphosa, Madaxda kale, Marwooyin iyo Mudanayaal,

Guddiga Nabadda iyo Amniga waxay soo gudbiyeen warbixin aad u wanaagsan, waxaana rabaa inaan adkeeyo in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay in qoryaha la dhigo maxaa yeelay haddii ay xasilooni buuxda hesho, waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka qaaradda marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya waxa ay muddo la dagaalamaysay argagaxisnimada caalamiga ah iyada oo gacmaha ka xiran.

Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Iyada oo ay taasi qayb ka tahay Qorshaha Kala-guurka ah ee Amniga, Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.

Qorshaha kala-guurka ah wuxuu u baahan yahay in la dhimo Ciidamada AMISOM, laakiin waxaan u baahannahay qorshe cad oo lagu dhisayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay masuuliyadda ugala wareegaan AMISOM. Waxaan mar walba abaal uga haynaa Ciidamada AMISOM sida ay naftooda noogu hureen, dadaalkaasina ma noqon doono hal bacaad lagu lisay.

Qori-dhigistu waxa ay mudnaan muhiim ah u leedahay qaaraddeenna waana inaan samaynaa dadaal kasta si arrintan mudnaanta kowaad loo siiyo heer kasta oo la joogo. Afrika waa qurxoon tahay, waxayna leedahay khayraad iyo fursadda ugu weyn ee horumar marka la barbardhigo qaaradaha kale dhammaantood. Sidaas oo ay tahay, ma gaari doonno, mana xaqiijin doonno inaan si buuxda uga faa’idaysanno fursaddan Afrikaan ahaan, haddii aynaan dhigin qoryaha isla markaana ka shaqayn abuuridda xaaladaha horseedaya horumarka dadkeenna.

MAHADSANIDIIN DHAMMAANTIIN.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top