KHUDBADDA MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI MAXAMED (FARMAAJO), MADAXWEYNAHA JFS
KULANKA AAN CAADIGA AHAYN EE GOLAHA SHACABKA JFS
MUQDISHO: SABTI 15KA OGOSTO 2020
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
⦁ Guddoonka Golaha Shacaka
⦁ Guddoomiyeyaasha Guddiyada Golaha Shacabka
⦁ Xildhibaannada sharafta leh
⦁ Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta iyo Mas’uuliyiinta kale iyo dhamaan marti sharafta kale
⦁ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho
⦁ Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliya Guud
⦁ Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida
⦁ iyo dhammaan marti sharafta kale
⦁ Bahda Saxaafadda
Asalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh
Mudanayaal iyo Marwooyin
Waxaa sharaf ii ah in aan maanta oo taariikhdu tahay 15ka bisha Ogoosto 2020, idin kala soo qeyb galo kulankan aan caadiga ahayn ee aan idin kasoo dalbaday kaasoo aan ugu tala galay inaan warbixin idinka siiyo xaalada dalka iyo wada hadallada socda ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Waad ku mahadsan tihiin inaad iga aqbashaan codsigii aan idinkaga dalbaday kulankan gaarka ah si waafqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Inta aanan u gudo gelin warbixinta guud ee Shirkii Dhuusamareeb, waxaan rabaa inaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada sharafta leh uga mahadceliyo shaqadii wanaagsanayd ee aad meel mariseen muddada saddexda sanno iyo badhka ahayd ee uu socday Kalfadhiga 7-aad iyo hawlaha baaxadda leh ee aad suurta galiseen oo ay ugu horreeyaan Shuruucda hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya sida Sharciga Doorashooyinka dalka iyo shuruucda kale.
Sanadkan 2020 wuxuu ku bilowday duruufo adag oo hakad geliyay hawlo badan oo la qaban lahaa maadaama cudurka safmarka ah ee COVID19 uu saameeyay dhammaan dunida. Sidaas oo ay tahay, haddana waxaa noo hirgalay inaan meel marinno 12 sharci oo ay ugu muhiimsan yihiin Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Batroolka, Sharciga istaatiitikada, Sharciga Duulista Rayidka, Sharciga Kamid Noqoshada Hay’adaha Damaannada Maalgeshiga darafyada badan, Sharciga Furdooyinka, Sharciga Warbaahinta iyo kuwa kale. Tiro intaas ka badanna waad ansixiseen, anna waxaan saxiixay sanadihii 2018 iyo 2019.
Hawlahaasi hortabinta u leh dhismaha hay’adaha dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta hay’adaha amniga nooma suurta gasheen haddii aydan la iman dadaalka iyo shaqooyinka dheeriga ah ee ay sameeyeen Guddoonka Golaha, Guddiyada Joogtada ah iyo Guud ahaan Xildhibaannada Barlamaanka 10aad.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la wada socotaan, waxaan intii u dhaxaysay 18kii ilaa 22kii Luuliyo, 2020 wada hadallo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka uu nooga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. Wada hadalladaas oo ay qeyb ka ahaayeen Madaxda Dowladaha Xubnaha ah Dowladda Federaalka waxay ku qotomeen sidii looga wada xaajoon lahaa hannaanka doorashooyinka nagu soo food leh si heshiis siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka loola meel dhigo Dowlad Goboleedyada.
Heshiis siyaasadeed hore ayuu u dhacay oo horena waan uga hadalnay, wuxuuna heshiiskaas siyaasadeed ka dhacay magaalada Baydhabo 2018kii keddib markii guddi ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ay muddo dheer ka wada shaqeynayeen. Shiirkii ka horreeyay ee London ka dhacayna wuxuu Warmurtiyeedkii ka soo baxay uu dhigayey inuu dalku aado doorasho ku saleysan Qof iyo Cod 2020-2021. Shirkii ka dambeeyay ee aan wada tagnay ee Brussels ka dhacayna ee Midowga Yurub kaddeb, heshiiskii siyaasadeed aan ku gaarnay magaalada Baydhabo way boggaadiyeen, Beesha Caalamku way ballan qaadeen inay garab istaagayaan doorasho Qof iyo Cod ah, isla mar ahaantaasna warmurtiyeedkoodii waa ku qoreen. Kadibna Xukumuddu waxay diyaarisay sharcigii. Markii ay dhameystireen waxay u soo gudbiyeen labadda Aqal ee Barlamaanka, idinkuna waad ansixiseen. Macnaheedu waxay tahay heshiiksii siyaasadeed waa la soo gaaray, waa soo dhamaaday ee kani micnaheedu waxa weeyaan heshiiskii siyaasadeed qeybtii labaad oo kii hore laga dhigayo wax aan jirin.
Inkastoo ay dooduhu kala fogeeyaan, Dowlad Goboleedyada qaar ay aaminsanayeen eyna aad ugu dhaganaayeen in la qabto doorasho lamid ah tii 2016/17 ee dadbanaa, annaguna aan la tagnay meesha aana ku adkaysannay in doorashada loo baahanyahay inay ahaato doorashadii sharciga laga sameeyay, horena loogu heshiiyay in la meel mariyo oo heshiiskii shalay la galay aan la jabinin.
Aniga oo hadaba fulinaya hadalkii aan ka sheegay gunaandkii Shirkii Dhuusamareeb ee ahaa in qodobadii aan isla meel dhignay aan dib ugu soo celiyo Golaha Shacabka, oo ah aasaaska nidaamka dowladnimadeenna, wax walba waxay leeyihiin aasaas, sartaan aan ku jirno hadii aysan jirin udub dhexaad, oo uusan aasaas lahayn ma dhismo karo. Sidaas darteed dowladnimadeenu waa idinka, waa Golaha Shacabka. Golaha Shacabka waa hey’adda ugu sareysa ee matalaadda shacabka Soomaaliyeed oo 15 Milyan ah, oo waxaad tihiin wakiilladii shacabka Soomaaliyeed ay soo doorteen oo halkan u fadhiya Dowlad Goboleedyada. Go’aamada aad gaartaana maaha waxaad ku gaarteen shaqsiyan waxa aad rabtaan iyo magaalada Muqdisho ee aad joogtaan, ee go’aamada aad gaartaan waxaad ku gaartaan rabitaanka dadka aad matashaan.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
War-murtiyeedkii Dhuusamareeb wuxuu dhigayay in dalka ay ka dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay, waqtiqeeda ku qabsoonta, lagana wada tashaday, iyada oo hawshaas loo saarayo Guddi Farsamo oo kasoo baaraan daga hannaanka doorashooyinka dalka iyo qaabka ay u dhacayso dhaqan qalkooda, guddigaas oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.
Sida ay Soomaalidu tiraahdaba “Aan wada hadalno waa aan heshiinno.” Wada hadalku wuxuu sii xoojinayaa wadajirkeenna, dimuqraadiyadeenna iyo inaan siyaasadda dalkan aan ku hagno talo wadaag iyo is-ogol. Macnaha qof shaqsi ah hadii uu yahay Madaxweyne iyo hadii uu yahay xildhibaan ama Dowlad Goboleed in qof shaqsi ah uusan wixii jiidan oo ay taladu tahay wax naga wada dhaxeeya oo aan wada leenahay oo talo wadaag ah oo aan isku qancino, iskuna tanaasulno.
Sidaas daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadaba ay mar walba wada hadlaan, wada tashadaan, is qanciyaan, lana yimaaddaan qorsheyaal iyo go’aamo siyaasadeed oo awoodda dib ugu celinaya shacabka Soomaaliyeed ee aad idinka matashaan, taasoo sii xoojinaysa in Golahan uu noqdo marjicii arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan, waxaa maanta oo ah 15ka Ogoosto lagu ballansan yahay magaalada Dhuusamareeb si Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay uga arrinsadaan hannaanka doorasho ee dalka lagu hagayo, kaasoo aan ku rajo waynahay inuu noqdo mid sii hormarinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo in awoodda loo celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan xildhibaannadooda iyo madaxda ay hoggaanka dalka ku aaminayaan.
Ka Madaxweyne ahaan masuuliyad gaar ah ayaa iga saaran ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka,
Waa isagoo waliba ka shaqeynaya siyaasadda, laakiin mar walba waxaa aasaas u ah in sharciga iyo dastuurka dalka la ilaaliyo. Waxaan markale idiin caddeynayaa madaama aad tihiin wakiilladii shacabka Soomaaliyeed in go’aanka aad gaartaan dalka oo dhan laga wada aqbalo. Waa sida ay tahay, waana sida caalamku ku shaqeeyo. Waxaan idin caddeynayaa inaan halkan kusoo celin doono heshiis walba oo aan la gaarno Madaxda Dowlad Goboleedyada si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Waxaan mar labaad idinku hambalyeynayaa shaqooyinka aan kala go’a lahayn iyo waqtiyada dheeriga ah ee aad galinaysaan sidii loo dhammeystiri lahaa shuruucda muhiimka ah ee haatan idin horyaalla.
Ugu dambeyntii, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u aqbasheen inaan idin kala soo qeybgalo kulankan.
Kulanka 18aad ee Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka waa noo xiran yahay.
Wabillaahi Towfiiq