Bismillaahi raxmaani raxiim
Guddoonka Golaha Shacaka iyo Aqalka Sare
Guddoomiyeyaasha Guddiyada 2-da Aqal Xildhibaannada sharafta leh
Ra’iisul Wasaarah, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliya Guud
Guddoomiyaha Barlamaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug
Guddoomiyaha Barlamaanka ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle
Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida
Bahda saxaafadda iyo dhammaan marti sharafta kale
Asalamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuu
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa sharaf ii ah in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 6da Juun, 2020 si rasmi ah u furo kalfadhigii 7-aad ee labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aniga oo gudanaya waajibaadkayga dastuuriga ah.
Waxaan marka hore u mahad-celinayaa Allaha awoodda leh ee inoo suura geliyey dhammaanteen in aan halkaan isugu nimaadno, nagana samata bixiyey Caabuqa Karonaha ee aafeeyey dunida oo dhan, iyadoo la filaayey inaan dhibaato weyn kala kulmayno maadaama aan nahay dal nugul oo soo kabanaya.
Alle ha unaxariisto dadakii u dhintay Caabuqa Karona, kuwa u xanuusanna Alle haka kiciyo. Sidoo kale Alle Ha unaxriisto Xildhibaan Aadam Xasan Cali (Aadam Jamhuuriya) Samir iyo iimaana Allaah ina ka siiyo kuligiin.
Waxaan u mahad celinayaa Guddiga Qaran ee kahortagga Caabuqa Covid-19 oo uu hogaaminayo Raiisul Wasaaraha, hawl-wadeenadii iyo bahda caafimaadka oo xaqiiqatan qabtay shaqo dhaxalgal ah.
Waxaa xusid mudan in aan Dalka kusoo celinnay in kabadan 1,200 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa dibadaha cudurkaas dartiis.
Waxaan u mahad celinayaa Dowladda Turkiga oo xaqiiqatan dhismahan quruxda badan noogu deeqday aad iyo aad Ayaan ugu mahd celinayaa.
Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka ee labada Gole wada shaqaynta wanaagsan ee muujiyeen muddadii saddexda sano iyo dhowrka bilood ahaa ee kala dhaxaysa hay’adaha dastuuriga ah iyo guud ahaan shacabkaba Soomaaliyeed.
Waxaan qirayaa, sida ay sheegeen labada Guddoomiye, la’idinkuna ammaanayaa in aad tihiin, baarlamaankii ugu shaqada badnaa oo aad ku sifowdeen Baarlamaankii ugu wax soosaarka badnaa iyadoo aad ahaydeen laba Gole.
Si kastab ah ahaatee, weli waxaa inoo dhimman in aan dhammaystirno sharciyo aad u badan oo aasaas u ah sidii aan ku hanan lahayn, kuna gaari lahayn hiigsigeenna qarannimo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa xaqiiqa ah in dowladdaan ay tahay, markii ugu horeysay oo la Idoortayna aan bilownay in aan niraahno idinkuna xildhibaano u tihiin, in aad tihiin Dowladdii Shacabka, xaqiiqo weeye taas, waxaana daliil u ah in maanta 50 sano kadib aad ansixiseen aniguna aan saxiixay sharci doorasho oo awoodda dib ugu celinaya shacabka soomaaliyeed si ay u doortaan xisbiga iyo Dowladda ay doonayaan.
Waxaan maanta aan u fadhinaa inaan shacabkeenna ugu bishaarayno inuu dhammaaday xilligii dhiilada colaadaha iyo dhiigga kuraasta lagu raadin jirey waxaan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonayo.
Waxaan nagu soo fool leh doorashooyinkii guud ee dalka. sida aad la socotaan, 6dii Juun sanadkii 2018kii waxaan shirkii Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ee ka dhacay magaalada Baydhabo si wadajir ah ugu go’aaminnay oo aan gaarnay hishiis siyaasadeed in dalka doorasho hal-qof iyo hal-cod ah la gaarsiino.
Isla sanadkaas bishii Oktoobar waxaan guddoomiyey shir ay lahaayeen Golaha Wasiiradu, waxaana faray inay soo diyaariyaan sharcigii doorashooyinka qaranka, ayna u gudbiyaan golahan sharafta leh. bishii Febraayo ee sanadkaan, waxaan xaflad si toos ah looga daawanayey muuq baahiyeyaasha adduunka, ayna kasoo qayb galeen Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo marti sharaf kale.
Waxaan faray mar kale oo oo aan hortooda ku saxiixay sharcigii doorashooyinka qaranka oo aad iisoo gudbiseen si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay ku doortaan cida ay rabaan ayna ku dhacdo waqtigii loo asteeyey Doorashadu.
Waxaa intaasi dheer in guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka [Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi] ay warbaahinta u caddeeyeen in ay doorashadu u dhacayso sida sharcigu qabo iyo waqtiga loo asteeyey.
Sidoo kale ayaa shirkii Golaha Wasiirada ee dhacay 29kii bishii lasoo dhaafay, ayuu RW Xasan Cali Khayre mar kale u xaqiijiyay umadda Soomaaliyeed guud ahaan, iyo gaar ahaan Golaha Wasiirada in doorasho hal-qof iyo hal-cod ah ay xilligii loo asteeyey ku dhici doonto. Haddaba, waxaan rabaa inaan maanta ummadda Soomaaliyeed horteeda mar kale ka caddeeyo inay naga go’an tahay in doorashadu ay habkii loogu tala galay iyo waqtigii loogu talagalay ay ku dhacayso insha allah!
Waxaan sidaas awgeed labada Aqal ee sharafta leh, Guddiga Madaxbaannaan ee Doorashooyinka Qaranka, xukuumadda iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso ku dhiirgalinayaa inay gutaan waajibaadka ka saaran sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd habkii loogu tala galay iyo waqtigii loo asteeyey si nabad ah.
Waxaan sidoo kale ka filaayaa Saaxiibada Soomaaliya iyo wadamada deeqda bixiyaasha ah inay naga taageeraan sidii aan ku gaari lahayn yoolkaas muhiimka u ah ee taariikhiga ah hadduu Alle idmo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaad la socotaan sooyaalka doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhici jirey. Qaab-doorasho kasta oo aan soo marnay tan iyo qaran-jabkii waxay ahayd mid wacyiga maalintaas taagnaa ka tarjumaysay. sidoo kale, qaab-doorasho kasta way ka duwanayd tii ka horreysay marka loo eego ka qayb-galka bulshada, mar kastana tallaabo ayaa dhanka horumarka loo qaadayey – doorashadaanna inay ka duwanaato kuwii hore ayaan rabnaa, iyo in ay ummadda Soomaaliyeed dib u hanato xuquuqdeeda muwaadinnimo, ayna muddo 50 sano ah kaddib markii ugu horreysay doortaan xildhibaanadooda ku matalaya labada Gole, sida uu qorayo Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay taageeraan oo usoo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga iyo dowladda ay doonayaan si ay uga gudbaan saddexda cudur ee dilaaga ah ee qabyaaladda, faqriga iyo argagixisada.
Waan ognahay qabyaaladdu waa aragti gaaban. Waa caqli hoose oo gurracan. Waa tartan iyo tabasho u dhaxeeyo jifooyinka wada dhashay. Ma aha wax ka turjumi kara danaha qaranka ama la tartami kara qaran kale. Qabiilku ma aha wax qaran dhisa. Waan ognahay qabiilku waa wax qaran dumiya oo waa usoo taagnayn, waana soo aragnay. Haddii aad qof qabiil ku doorato ama aad ku diido sidee ayaan ku gaaraynaa dowlad hufan oo caalamka la tartanto.
Dhinaca kale, waxaan xisbiyada doonaya inay ka qayb qaataan doorashadaan kula dardaarmayaa inay uga qayb qaataan si sharciga waafaqsan, ayna iska ilaaliyaan wixii dhaawici kara nabadgelyada shacabka iyo xasiloonida guud, ayna iimaansadaan codka shacabka Soomaaliyeed.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa uu Dalku maraysaa marxalad xasaasi ah oo loo baahan yahay in aan gacmaha is qabsanno, hala kala aragti duwanaado balse in la is ixtiraamo, si aan uga rumayno hiigsigeenna ah in la helo Soomaaliya nabad ah, Soomaaliya mid ah, iyo Soomaaliya xor u ah danaheedda qaranimo.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Marka aan leenahay Soomaaliya oo nabad ah macnaheedu waa Soomaaliya oo barwaaqo ah. Soomaaliya oo aan u tagnay [lasoo baxnay] khayraadkeeda haddii ay tahay khayraadkeeda badda ku jira, kalluun iyo shiidaalba, khayraadkeea barriga oo ah macdanta, beeraha iyo xoolaha. Soomaaliya waa dal qani ah laakiin shuruuddu waxa ay tahay in la helo nabad iyo dowlad hagta nabaddaas. Soomaaliya oo mid ah oo aan la faragelin oo aan loo iman oo uusan shisheeye soo dhexgalin. Soomaaliya oo xor ah oo danaheeda iyada ay gaari karto.
Waxaa xaqiiqa ah in inay nasoo wajaheen caqabado badan oo ay ka mid aheeyeen weeraradii arxan darrada ahaa oo ay geysanayeen argagaxisadu, abaaro iyo fatahaado is daba-joog ah, iyo is-barbar yaac siyaasadeed oo aan soo aragtay.
Intaasna waxay daba yaallaan Soomaaliya waa in ay nabad hesho, Soomaaliya waa in ay mid tahay, Soomaaliya waa in ay u madax bannaan tahay go’aannadeeda. Haddii intaas aan sheegay la helo waa laga adkaan karaa Shabaab iyo weerarada ay sameynayaan, abaaraha laftooda waa u diyaar garoobi karnaa maxaa yeelay dalkeenna dal biyo la’aan ah ma aha. Biyuhu waa yimaadaan, dad bay dhibaateeyaan amaba badda ayay aadaan ama beeraha ayay baabi’iyaan. Marka haddii aan helno dowlad wanaagsan oo ka shaqeysa nabbadaas waxaa xaqiiqa ah in waqtiga roobka ah la isku diyaarin karo waqtiga roobka oo biyahaas naga khasaara in biyo-xireenno loo sameeyo oo markii ay abaar timaado aan ceelasha la aadine ay biyaha diyaar noogu yihiin.
Intaas oo mushkiladood waxaan uga soo gudubnay wada-shaqayn, dulqaad iyo tanaasul, isla markaasna aan guulo la taaban karo ka gaarnay intooda badan – Alle ka sokow, waxaan arintaas uga mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha dastuuriga ah iyo shacabka Soomaaliyeedba.
Waxaan soo celinnay 24 Dugsi, waana waxbarasho lacag la’aan ah aan siinnaa 65,000 oo arday oo u badan agoon, waxaana ku soconnaa inaan soo celinno 50 dugsi oo kale sanadkan dhammaadkiisa. Waxaan ku gaarnay xasillooni siyaasadeed. Shaqaale dowladeed hal bil mushaar la’aan ma boqon, askari hal bil mushaar la’aan ma noqon, idinkaana [Xildhibaannada] ayaa ugu wacan, idinkaana ka masuul ah oo ka shaqeeyay xasilloonidaas. Carruurta Soomaaliyeed waxaan siinnay waxbarasho laakiin fari kama qodna.
Si kastaba ha haatee, weli waxaa inoo haray safar dheer. Dowladi 3 sano iyo 10 sano meesha ay rabto kuma gaarto, safar dheer baa noo haray, idinkaana bilaabay oo fursad siiyay in Ra’iisul Wasaarahayga uu shaqeeyo oo aan ummaddeen u shaqeyno, hala kala aragti duwanaado. Taasi waa caafimaad laakiin ixtiraamka waa inuu meesha ku jiro si aan u gaarno hiigsigeenna qarannimo.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Si aan u xaqiijinno arrimaha Amniga, hiigsigeenna qaranimo, waxaa Dowladdaani xoogga saartay sidii ay wax uga qaban lahayd nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo siyaasaddaba, iyo dabcan la dagaalanka musuq maasuqa.
Tan iyo intii aad i doorateen 8dii Febraayo 2017kii, waxaan si aan kala go’ lahayn isugu howlay in la dhiso hay’ado amni oo ka tarjumi kara marxaladda amni ee dalku ku sugan yahay. Anagoo kaashanaya goleyaasha dowladda, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa Alle mahaddiis ah inay noo suura gashay inaan guulo waaweyn ka gaarno sugidda amniga dalka iyo la dagaalanka codowga ummadda Soomaaliyeed, laakiin wali maana gaarin meeshii aan rabnay.
Arintaani iskama imaan, ee waxay ku timid naftood hurayaasha Ciidamada Qalabka sida oo dhiigooda u huray sidii ay ummadda Soomaaliyeed nabad ugu noolaan lahayd. Sidaas awgeed, aniga oo ka duulayna sidii aan u illaalin lahayn niyadda iyo hammiga wiilasha iyo gabadhaha Soomaaliyeed oo maalin walba heeganka u ah sidii ay dalkooda iyo dadkooda u difaaci lahaayeen,
Waxaan xaqiijinay in xuquuqda iyo baahiyihii kale ee aasaasiga ahaa ay ciidamadu u baahnaayeen ay si joogto ah u helaan, loona kordhiyey mushaaraadkooda, taasoo ka qayb qaadatay natiijooyinka lama ilaawanka ah ee ay gaareen ciidamadeena qalanka sida, waxaan leeyahay guulaysta, waxaad sameyseen taariikh, halkaasna kasii wada inta aad xaqiijinaysaan hiigsiga qaranimo ee ah inaan helno kaasoo ah Soomaaliya nabad ah, mid ah, xorna u ah danaheedda qaranimo oo aanan ku shaqeynin shisheeye caqligiisa.
Waxaan shaki ku jirin in dib-u-dhiska ciidanku uu ahaa shaqo xoog leh oo aad iyo aad u dhib badan, runtii ay ahayd in mar hore la bilaabo, laakiin waxaa Alle mahaddiis ah inaan hadda ku guulaysannay inaan taagno tiirarkii aasaaska u ahaa ee ciidan Soomaaliyeed oo tayo leh.
Guulaha ay ciidamadeena ay si wada jir ah u gaareen waxaad ka dareemi kartaan amniga caasimadda dalka ee Muqdishu oo sida aad la socotaan amni ahaan kasoo wanaagsanaanaysa sanad kasta. Tusaale ahaan, saddexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkii 2018 waxaa magaalada Muqdishu ka dhacay 182 fal amni darro; halka sadexdii bilood ee ugu horreysay ee sanadkii 2019 uu dhacay 74 fal amni darro; sanadkaana uu dhacay 24 fal amni dambiyeed.
Waxaan mar kale shacabka iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka ku boorinayaa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa kalsoonida iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa shacabka iyo laamaha amniga.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan waqti hore bilownay inaan dhisno ciidan Soomaaliyeed oo isku dhafan si aan u helno ciidan qaran oo ka howl geli kara dhammaan qaybaha dalka. Waxaan wadnaa qorshayaal aan kala shaqaynayno Amisom, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Mareykanka iyo qaybaha kale ee bulshada caalamka kuwaas oo ujeedadoodu tahay sidii aan si dhammaystiran ugula wareegi lahayn mas’uuliyadda nabadgelyo ee dalkeenna muddo dhow haddii Alle idmo.
Waxaa arintaani marka ay hirgasho noo suuragelinaysa in 1) aan annagu qaadanno mas’uuliyadda nabagelyada dalkeena 2) in walaaleheenna Amisom aan ka nasinno culayskii aan ku haynay ee ay har iyo habeen u taagnaayeen difaaceenna, dhiigoodana noogu huri jireen iyo 3) weliba inaan waddamada deeqda bixiya ka qaadno culayskii dhaqaale ee ay ku bixiyaan ciidamadaasi insha allah.
Si ujeedooyinkeena difaac aan u gaarno, waxaan mar kale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay garab istaagaan ciidankooda geesiyaasha ah dhinac walba.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa xusid mudan in muddaddii ay dowladdaan jirtey aan wax badan ka qabannay dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Sidaas awgeed, marka laga reebo, dhibaatooyinka dhaqaale xumo ee uu keenay cudurka Cronovirus, waxaa Alle mahaddiis ah inaan ku guulaysannay in sanadba sanadka uu ka danbeeyey aan kor u qaadnay dakhliga gudaha kaas oo ay sabab u ahayd inaan la dagaalanno musuqmaasuqa iyo hufnaan la’aanta dhaqaalaha waxaana idiin xaqiijinayaa inaan sii wadi doono la dagaalanka musuqmaasuqa insha allah.
Sidoo kale, waxaa marag-ma-doonto ah, in hay’adda lacagta adduunka ee loo yaqaan (IMF) iyo Bangiga Adduunkuba (WB), ay warbixinnadooda ugu danbeeyey qireen in qaab xisaabeedka dowliga ah ee soomaaliya uu yahay mid hufan oo daah furan, taasoo noo sahlaysa in nalaga cafiyo deymahaas tirada badan ee Soomaaliya lagu lahaa muddo ka badan 50 sano.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Garsoorku waa udub-dhexaadka nolosha ummad kasta oo doonaysa in ay nabad iyo xasilooni ku noolaato. Sidaas awgeed waxaan isbeddel joogta ah ku wadnay hay’adihii garsoorka si aan u gaarno hiigsigeenna qaranimo. Waxaan bilaawnay inaan hay’adaha caddaaladda salka kasoo dhisno, waxayna arintaasi soo noolaysay kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen garsoorka.
Sidoo kale, si aan sare ugu qaadno tayada garsoorayaasha maxkamadaha, waxaan hirgelinnay imtixaanno furan lagu kala saarayo garsoorayaasha oo lagu xulanayo si loo helo garsoorayaal u carbisan aqoonna u leh shaqada loo igmaday.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan ayadana ahmiyad weyn inoo leh dib-u-eegista iyo dhammaystirka Dastuurka qaranka. waxaana idiin soo jeedinayaa in idinka oo la shaqaynaya hay’adaha kale ee dowliga ah ee ay khusayso arrintaan aad kalfadhigaan waqti badan gelisaan sidii loo dhammaystiri lahaa dastuurka qaranka, si markaas ay shacabka soomaaliyeed u helaan fursad ay codkooda uga dhiibtaan, uguna qeyb qaataan dhaqan-galka dastuurka.
Dowladu waxay muddadii ay shaqaynaysay hirglisay siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan is-ixtiraam, wada-shaqayn, iyo is-faham. Waxaan qayb horyaal ah ka noqonnay isu soo dhawaashaha iyo wada-shaqaynta gobolka Geeska Afrika si gobolku u helo xasillooni iyo horumar dhaqaale. waxaa sidaad la socotaan aan si dhow arrimaha Geeska Afrika uga wada-shaqaynay dhammaan madaxda waddamada Geeska Africa, kuwaas oo ugu horreyn isla gartay in si is-ixtiraam iyo iskaashi leh oo aan wax fara-gelin ahi ku jirin laysu kaashado, meelna looga soo wada jeesto waxyaabaha xasilooni darrada ku keeni kara gobolka guud ahaan ama gaar ahaan qayba ka mid ah gobolka. Sidoo kale, waxaan rabaa inaan idiin caddeeyo in dantu ay ku jirto wada-shaqayn iyo deris-wanaag, waxaana ballan qaadaynaa dhankayaga inaan arintaas ka shaqayno, annagoon wax gorgortan ah ka galayn qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan rabaa inaan halkaan maanta uga hambalyeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, oo runtii udub dhexaad u ah nabadgelyada iyo horumarka iftiimaya ee ummadda Soomaaliyeed ay maanta ku naaloonayso. Waxaa caada ahaan jirtay in la yariraahdo, “dhallinyaradu waa madaxdii berrito” laakiin anigu waxaan idin leeyahay, “dhallinyardu waa madaxda maanta.”
Waxaan shaki idiin kaga jirin in anigoo ka duulaya mabda’aas aan dhallinyarada Soomaaliyeed u igmanay qayba ka mid ah mas’uulyadihii ugu muhiimsanaa ee dalka ee dhinacyada nabadgelada, dhaqaalaha, caddaaladda, siyaasadda iyo arimaha bulshadaba. Waxaa ballan qaadayaa inaan sii wadi doonno arrintaas insha allah, si aan u xaqiijinno doorka muhiimka ah ee dhallinyaradeenu ku leeyihiin hoggaanka iyo dib-u-soo noolaanshaha qaranimo Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee, waxaan rabaa inaan dhallinyarada uga digo kuwa doonaya, si dan gaara ugu gaaraan dhiiggooda, jaranjarana uga dhigtaan. waxaan sheegayaa in dhallinyaradu aysan mar danbe noqon doonin “ma liibaanayaasha, lagu liibaano.”
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu soo maray marxalado badan oo aad u adag – dagaallo qabiil, dagaallo argagixiso, abaaro iyo daadad dadkii iyo duunyadiiba halakeeyey iwm. Wax kasta oo nasoo marayba, waxaa Alle mahaddiis ah inaan weli nahy dal iyo dad jira, insha allaahuna waa jiri doonnaa. Waxaan marka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, khaasatan dhallinyarada, ka codsanayaa inay labo-laabaan dedaalkooda ku aaddan wada shaqaynta ay la leeyihiin dowladdooda iyo ciidamadooda si aan uga gudubno masiibooyinkaas dabiiciga ah iyo kuwa dad-samayga ah ee dalkeenna halakeeyey.
Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa inay nagu taageeraan sidii loo heli lahaa dowladnimo Soomaaliyeed oo ka hufan qabyaalad, faqriga iyo argagixisonimo, kuwaasoo ah saddexda cadow ee dilaagga ah ee hor taaggan in la helo qaranimo soomaaliyeed oo la wada leeyahay, caddaalad ah, dalka iyo dadka soomaaliyeedna u horseedda nabad iyo nolol waarta.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa si aan nasasho lahayn isugu hawlnay inaan kor u qaadno xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah, xiriirkaas oo ku dhisan wada-tashi iyo is af-faham iyo in la xurmeeyo Dastuurka ku meel gaarka ah. Dadaalladaasi waxay qayb ka ahaayeen sidii loo gaari lahaa hiigsiga guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaa Alle mahaddiis ah in aan guulo ka gaarnay dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dowlad goboleedyo shacabkooda matala, danaha shacabkooda ka shaqeeya.
Waxaan gaarsiinnay Dowlad Goboleedyada gargaar caafimaad oo ah ka hortagga iyo la dagaallanka Coronavirus. Inta ay tabarteennu tahay waxaan gaarsiinnay dhaqaale iyo gargaar kuwa ay musiibooyinka fatahaadaha ah iyo daadku ay waxyeelleeyeen.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dadka Soomaaliyeed waa walaalo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay inaan dib u bilowno wadahadaladii, wax kasta oo jirana aan ku dhammeyno walaaltinnimo, wadahadal, is-qancin iyo is-afgarad.
Gebagebasii , waxaan labada aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliyeed usoo jeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qadarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay oo aniga meel ah iiga taalla, oo aan ku dashay, luuqluuqna u aqaano oo aan ku koray. Fadlan igu raaca in Aqalka Sare ay Caasimadda Muqdisho ku yeelato matalaadda uu mudanyahay, ayna muraayad ugu noqoto dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Mar kale, waxaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto ugu baaqayaa inay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska, dib-u-heshiisiinta, adkeynta nabadgelyada, horumarinta dhaqaalaha, dib-u-dhiska adeegyada bulshada sida goobaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha sisa dhismayaasha dowladda, dhismaha waddooyinka iyo dekadaha iyo tan hadda ugu muhiimsan oo ah sidii aan u hirgelin lahayn doorashooyinka.
Waxaan idinkula dardaarmayaa difaaca dalkiina, diintiinna iyo dadkiinna argagixisada, qabyaaladda iyo faqriga – waa saddexda cudur ee dilaaga ah, hoygana u ah dhammaan xumaanaha kale ee dalkeenna la soo gudboonaada.
Waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa maanta oo Sabti ah, Taariikhduna ku beegan tahay 6da Juun, 2020 in Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare ee Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah u furan yahay.
Wabillaahi Towfiiq.
Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Furitaanka Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka JFS.
Muqdisho,
6/6/2020.