Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ee Shirka Afrika iyo Ruushka – Sochi

Mudane Vladamir Putin, Madaxweynaha Ruushka,
Mudane Cabdulfataax Al Sisi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar,
Madaxweyneyaasha iyo Madaxda Xukuumadaha

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan dhammaantiin khudbad idiinka jeediyo kulankan taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladaha Afrika iyo Ruushka ee looga gol leeyahay wadahadalka iyo iskaashiga, kana dhacaya magaaladan bilicda san ee Sochi. Intaanan hadalka toos u gelin, waxaan jeclahay inaan dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadceliyo soo dhawaynta diirran ee naloo fidiyey aniga iyo wafdigayga. Sidoo kale, waxaan dowladda Ruushka iyo Midowga Afrika, oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne Vladimir Putin iyo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi, ku bogaadinayaa sida guushu ku dheehan tahay ee ay usoo qabanqaabiyeen Shirweynahan.

Mudanayaal Iyo Marwooyin,

Run ahaantii, Shirweynahani waa fursad dhab ah oo dib loogu eegi karo laguna sii horumarin karo cilaaqaadka taariikhiga ah ee Afrika la leedahay Ruushka iyada oo loo marayo iskaashi iyo wadashaqayn si loo gaaro horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay. Maadaama adduunku uu aad isugu xirmay, walow aan ku kala naal laba qaaradood oo kala duwanaasho badani u dhexeeyo, haddana mustaqbalkeennu aad ayuu isugu xiran yahay. Sidaasi awgeed, waxaan ku rajo-weynahay in shirweynahani uu u gogol-xaara in la helo hannaan cusub oo suurtageliya wadashaqyan iyo iskaashi miradhal ah taasi oo keenaysa in la gaaro ajandaha aan wadaagno ee ku aaddan xaqiijinta barwaaqo-sooranka.

Ruushku, waa saaxiib taariikhi ah oo ay Afrika leedahay. Sidaasi darteed, shirweynahani waxa uu ina xasuusinayaa muhiimadda ay leedahay dib u soo noolaynta xiriirkan taariikhiga ah ee u dhexeeya labadeenna dhinac maadaama oo aan ku raad joogno dib u soo celinta tagtadeennii qurxoonayd. Waa inaan laba-jibbaarnaa dadaalkeenna si aan u xaqiijinno in cilaaqaadka cusub ee labadeenna dhinac ay ka dhashaan fursado waxtar u leh dalalkeenna iyo shucuubteenna. Sidoo kale, waa inaan adkaynaa iskaashiga dhanka dhaqanka iyo wax-is-weydaarsiga si aan fursado ugu abuurno dowladaheenna, hay’adaheenna iyo mudaaddiniinteenna si ay u horumariyaan xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya iyada oo ay taas ku lammaan tahay in la helo iskaashiyo micno leh oo lagu dardargelinayo ganacsiga iyo hal-abuurka oo faa’ido inoogu jirto innaga iyo jiilalka mustaqbalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Soomaaliya iyo Ruushku waxay leeyihiin cilaaqaad taariikhi ah oo fure u noqonaya iskaashigeenna maanta. Ardayda Soomaaliyeed iyo kuwa Ruushku waxay ku wada noolaayeen Soomaaliya iyo Ruushka.
Waxaan rabnaa inaan soo celinno xiriirkaas laba geesoodka ah oo aan si wadajir ah ula dagaallano argagixisada calaamiga ah, horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga, aqoon isdhaafsiga annaga oo u mareyna wada shaqeynta hay’adaha dowliga ah. Soomaaliya waxa ka go’an inay la shaqayso Ruushka,
walaalaha reer Afrika iyo dhammaaan saaxiibbada kale
ee caalamiga ah si shucuubteenna loogu suurtageliyo
barwaaqo iyo horumar la wadaago.Soomaaliya waxay doonaysaa inay xoojiso xiriirka laba-geesoodka ah ee ay la leedahay Ruushka iyo inay la shaqayso Midowga Afrika si loo hubiyo in guul laga soo hooyo xiriirka labadeenna dhinac ee la xiriira dhammaan dhinacyada kala duwan ee labada dhinacba dheefta u leh, ha ahaato la dagaallanka argagaxisada caalamiga ah, dhanka dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo isweydaarsiga dhaqanka iyo aqoonta iyada oo ay wadashaqayn yeelanayaan hay’adaha labada dhinac. Soomaaliya waxa ka go’an inay la shaqayso Ruushka, walaalaha reer Afrika iyo dhammaaan saaxiibbada kale ee caalamiga ah si shucuubteenna loogu suurtageliyo barwaaqo iyo horumar la wadaago.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Soomaaliya waxay cagta saartay dhabbada xasiloonida iyo dib u soo kabashada dhaqaale. Waxaan leennahay khayraad tiro badan oo dabiici ah iyo kuwa aadami, dhul baaxad weyn oo beerashada ku fiican, badda ugu dheer gudaha dhulka Afrika, bulsho da’yar oo fursad-raadis ah iyo dowlad ay ka go’an tahay in ay isbeddel ka hirgeliso dalka iyada oo adeegsanaysa hoggaamin wanaagsan oo ay udux-dhexaad u yihiin mabaadi’da dowlad wanaagga. Sidaasi awgeed, waxaan dhammaan maalgashadayaasha Ruushka iyo kuwa reer Afrika ku martiqaadayaa inay yimaaddaan oo soo sahmiyaan fursadaha badan ee Soomaaliya ka jira kuwaasi oo leh faa’ido mustaqbal oo waarta.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaan jeclaan lahaa inaan hadalkayga ku soo gunaanado aniga oo Dowladda Ruushka iyo Midowga Afrika uga mahadcelinaya, uguna hambalyeynaya Shirweynahan miradhalka ah. Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay la shaqayso dhammaan dhinacyada Shirkan si iskaashiga Ruushka iyo Afrika loo sii horumariyo iyada oo ay ujeeddadu tahay in la gaaro barwaaqo iyo horumar loo dhan yahay. Sidaasi si lamid ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa Bayaanka/War-murtiyeedka Shirweynahan, waxayna u aragtaa inuu yahay qoraal muhiim ah oo jihaynaya arrimaha Ruushka iyo Afrika ay isla xaqiijin karaan si hore loogu socdo.

Waad mahadsantihiin.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top