Kala saaridda Xorriyadda Hadalka iyo Ku Xadgudubka Muqadasaadka Diiniga ah

MUQDISHO, Oktoobar 29, 2020: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Youtube:https://www.youtube.com/c/XafiiskaWarfaafinta/featured
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top