Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda aan saaxibka nahay ee Masar ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, waxaana ay ka wada hadleen sara u qaadidda xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ka shaqeynaya dejinta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, si loo hirgeliyo balanqaadkii uu sameyay wakhtigii doorashada.