Hadal Jeedin: Madaxweynaha JFS Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Baaqay In Loo Gurmado Dadka Abaaruhu Saameeyeen!

Muqdisho – 29-Luulyo: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaadda Jimcada ku oogay Masjidka Shuhaddaa ee Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyey in ay u gurmadaan walaallahooda la dhibaateysan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxibbadeeda beesha caalamka ayaa dadaal ugu jira xakameynta abaarta sii daba dheeraatay ee ku dhufatay malaayiin Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is garabsadaan oo si wadajir ah uga qeyb qaataan samafalka dadka abaaruhu halakeeyeen.
Daawo khudbadda Madaxweynaha.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top