Qaahira, Luuliyo 25, 2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis, soo dhaweynta diirran ee uu ku qaabbilay.
Madaxweynaha ayaa aad u bogaadiyay kaalinta walaalnimo ee dalka Masar ay ku lahayd dowlad dhiska iyo xorriyadda ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda horumarinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal.
Haddaba hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha.