Hadal-jeedin ku saabsan Xaaladda Abaaraha Dalka

Bismillaahi Al-Raxmaan Al-Raxiim,

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu

Walaalayaal sida aan la wada soconno duruufo adag ayaa soo food saaray kumannaan ka mid ah dadkeenna Soomaaliyeed, kaddib markii ay ku habsadeen qeybo badan oo ka mid ah dalka Abaaro ba’an oo galaafaty naf iyo maal-ba, inkastoo maanta iyo shalay ay ka curteen dhowr gobol roobab lagu diirsaday oo aan Alle uga mahad-celinayno, kana baryeyno in uu inoo siyaadiyo naxariistiisa.

Wakhtigan adag, waxaa looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii ay isaga gacan siin lahaayeen duruufaha nololeed ee adag, iyadoo aynu maal iyo muruqba isugu geynayno gurmadka Walaalaha dhibaateysan ee gaajada iyo biyo la’aanta ah.

Waxaan xoojinayaa baaqii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay 23-kii Bishan ku sheegeen in dalka ay ka jirto xaalad binu aadantinimo oo degdeg ah, anigoo faraya dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin Gobollo badan oo ka tirsan dalka.

Sidoo kale, Anigoo bogaadinaya abaabulka xooggan ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golahiisa Wasiirradu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu waxaan u soo jeedinayaa dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay si la mid ah tallaabada ay qaadday Xukuumaddu oo 20% u jaray Mushaharkooda gurmadka Abaaraha in ay ku deydaan oo door la mid ah kaas ay qaataan.

Walaalayaal, waxaa muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabano Roob-doon mideysan oo qabsoomta maalin cayiman, iyadoo aynu la imaanayno asbaabaha dambi dhaafka iyo naxariista Alle oo ay ugu horreyso Alla ka cabsiga, is-cafinta, sadaqada iyo isu-naxariisashada.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top