GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY ERGEYGA GAARKA AH EE GURMADKA ABAARAHA

Muqdisho, Juun 12, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Goluhu waxa ay warbixin kaga dhageysteen Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la wadaagay Madaxda Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta qaar ka mid ah deegaannada dalka, caqabadaha ku gedaaman gurmadka, Istaraatiijiyadda ku aaddan xalka waara ee ka hortagga abaaraha iyo halka uu marayo qorsheyaasha ay dowladdu kaga jawaabeyso arrimaha abaaraha.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadaallada uu ku bixinayo isku dubaridka iyo u ololeynta kaalmooyinka caalamiga ah, waxa ayna isla qaateen in si wadajir ah loo dardargeliyo howlaha gurmadka Abaaraha.

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top