FARRIINTA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH EE XUSKA TODOBAADKA XORRIYADDA

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim

Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa Alle subxaanahu wa tacaalaa oo noo suurta geliyey in aan si nabad ah u xusno Todobaadka Xoriyadda dalkeenna oo caawa si rasmi ah u bilowday, inkastoo aan ka cudur daaranayo ka qeyb-gal la’aanteyda munaasabadda 26ka Juun, maadaama aan u hoggaansanahay talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19.

Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26 Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda.

Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsaday dalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimadeenna.

Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan caqligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn, waana jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna.

Hambalyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed, waxaan Alle uga baryayaa dalkeenna iyo dadkeenaba nabad, xasillooni iyo horumar ballaaran.

DHAMMAAD

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top