Marka laga yimaaddo SOOMAALI HESHIIS AH, waxaa kaloo hiraalkeenna siyaasadeed jiheeye u ah mabda’a ku qotoma inaan DUNIDANA HESHIIS LA NAHAY. Himilooyinka dowladnimada ee ay tiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ma rumoobi karaan haddii aanaan dunidana heshiis la aheyn.

Dunida oo aan heshiis la nahay waxaa saldhig u noqon doona qodobbada soo socda:

  1. Inaan dunida inteeda kale iska kaashano dhanka amniga. Si gaar ah, dalalka Geeska Africa maanta waxaa heysta culeysyo amni oo ka imaanaya kooxaha argagixisada ah, sida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku-garabsano si aan iskaga caabinno cadowgaas, shacabkeennana u badbaadinno.
  2. Inaan wanaajinno, isla markaana xoojinno xiriirka aan la leenahay dalalka dariska ah, kuwa walaalaha ah iyo kuwa aan saxiibbada nahay. In ka badan laba milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa maanta ku nool dacallada dunida, kuwaas oo kaalin lagu faani karo ka qaata dalalka ay ku nool yihiin.
  3. Xiriirka ugu muhiimsan ee aan dunida la yeelan karno waa mid ku saleysan ganacsi iyo iskaashi dhaqaale. Dadka Soomaaliyeed waa kuwa lagu yaqaanno iney aad ugu fiican yihiin beec mushtarka, iyagoo dalal badan oo Africa, Bariga Dhexe iyo waliba Galbeedka ku leh ganacsiyo waawyen oo qeyb libaax leh ka qaata kobcint dhaqaalaha dalalkaas. Si gaar ah, waxaa yoolkeenu ahaan doona, xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya dalka guud ahaan dalalka Africa, gaar ahaan kuwa Geeska Afrika.
  4. Waxaa iyana mabda’a aasaasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibadeed oo dhexdhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loollanka caalamka ka jira. Soomaaliya waxay saaxiib la ahaan doontaa dal walba oo diyaar u ah inuu ixtiraamo madax bannaanida dalkeenna, iyo mid ahaanshaha gayigeenna. 
Scroll to Top