DFS way bogaadineysaa wada Shaqeyn dhaw oo ay la yeelato maamulka Soomaaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.

Faafin Degdeg Ah. 

Muqdisho, Feb 20, 2019. 

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top