DFS waxay bogaadinaysaa dadaallada Amiirka Kuweyt ee la isugu Soo dhaweynayo dalalka Khaliijka

Muqdisho, Jannaayo 05, 2021; Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa waanwaanta iyo dadaalkii joogtada ahaa ee Amiirkii hore ee dalka Kuweyt, Alle ha u naxariistee, Sheekh Sabaax Axmed Aljaabir uu ku bixiyey xal u helidda khilaafkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay dadaallada Amiirka dalka Kuweyt Amiir Nawaaf Axmed Aljaabir iyo hoggaamintiisa wadahadallada lagu dhammeystirayo soocelinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah iyo guud ahaan dalalka Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Twitter: @TheVillaSomalia
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Youtube:https://www.youtube.com/XafiiskaWarfaafinta/
Instagram: https://www.instagram.com/villa.somalia/

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top