DFS OO UGU BAAQDAY PUNTLAND IYO JUBALAND IN AY KUSOO BIIRAAN SHIRKA WADATASHIGA

Muqdisho, Febaraayo 22, 2021: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

La wadaag

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn
Share on whatsapp
WhatsApp
Share on print
Daabac
Share on email
Email
Scroll to Top