Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qayb gelaya Shirka Wadatashiga Qaran ayaa caawa soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne K/xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, …