Warbaahin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Madaxeedka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka kaga qeyb galaya Makka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada barakaysan ee Makka kaga qeyb gali doona Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC). Meertada 14-aad ee Shir Madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo lagu marti qaaday hoggaamiyeyaasha 57-dal ee ku bahoobay ururkan ayaa waxaa lagaga arrinsanayaa la dagaallanka argagixisada iyo fikirka gurracan ee xagjirnimada, qadiyadda Falastiin …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Madaxeedka dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka kaga qeyb galaya Makka Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ugu magacaabay Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha dalkeenna u qaabilsan dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudiga. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka kaddib markii uu kasoo qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afika Mudane Cyril Ramaphosa. Madaxweynaha ayaa inta aanu kasoo ambabixin dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isagoona la wadaagay …

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib u ugu soo laabtay kaddib caleema-saarkii Madaxweynaha Koonfur Afrika Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay …

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddoomiye K/Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee G/Banaadir Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya. Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu …

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ciidanka Asluubta Dib u howlgelinta Warshadda Qalabka Dhismaha Read More »

Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL. Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka …

Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.” Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo …

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Garowe

Garoowe, May 05, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Shirka Wadatashiga Heer Qaran oo maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland. Shirkan waxaa ka qeyb galaya Raiisul Wasaraaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, …

Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Garowe Read More »

Scroll to Top