Warbaahin

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda 26-ka Juun ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur

Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo geesiyaashii naftooda u huray sidii Soomaaliya ay uga xoroobi lahayd guumaystaha ayaa saaka ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi isaga oo shacabka ugu …

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda 26-ka Juun ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Canada iyo Austria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Austria Mudane Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u …

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Canada iyo Austria Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo munaasabadda qalinjabinta kala qaybgalay dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ardayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay gaareen. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya oo soo martay marxalado kala duwan iyada oo maanta cagta saartay dhabbada dib u soo kabashada iyo horumarka, wuxuuna …

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qaybgalay Qalinjabinta Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda Ummadda Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u tacsiyeeyay qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Addis Ababa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka …

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) Read More »

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka …

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan. Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore …

Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyey Guulaha Qaran ee Ciyaaraha Fudud Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan dalalka Geeska Afrika Mudane Alexander George Rondos oo uu weheliyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mudane Nicolás Berlanga Martinez Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Rondos ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo dadaallada lagu xoojinayo …

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Read More »

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha oo ka qayb galay shirkii degdegga ahaa ee Jaamacadda Carabta iyo kii caadiga ahaa ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa uga mahadceliyay Boqorka iyo Dhaxal-sugaha sidii diirranayd ee isaga iyo wafdigiisa …

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro shaqo oo uu ku tagay Sucuudiga iyo Itoobiya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka. Shirkan ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah oo loogu magac daray ‘Baaqa Makka’ kaasoo adkeynaya midnimada Dowladaha Iskaashiga Islaamka, lagagana soo horjeestay ururrada argagixisada iyo …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka ee Makka Read More »

Scroll to Top