Warbaahin

Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen isaga oo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. …

Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Read More »

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

Mudanayaal iyo Marwooyin Aan fursaddan uga faa’idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu …

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Muqdisho, Luulyo 1, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho. Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta …

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kaga qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka kaga qaybgalay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi. Madaxweynaha oo munaasabadda 1-da Luulyo khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo ku boorriyay inay …

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada kaga qaybgalay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo Read More »

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

Mudanayaal iyo Marwooyin Aan fursaddan uga faa’idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu …

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga ka Jaray Waddada Abwaan Timacadde ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde. Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad …

Madaxweyne Farmaajo oo Xarigga ka Jaray Waddada Abwaan Timacadde ee Muqdisho Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday Marxuum Qanyare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed …

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday Marxuum Qanyare Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Ka tacsıyeeyay geerıda Marxuum Qanyare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum …

Madaxweyne Farmaajo oo Ka tacsıyeeyay geerıda Marxuum Qanyare Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay. Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres …

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo …

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Read More »

Scroll to Top