MADAXWEYNAHA JFS OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DANJIRAHA DOWLADDA SHIINAHA U JOOGA SOOMAALIYA
Muqdisho, Sibteembar 01,2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya dalkeenna Mudane Fei Shengchao. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Safiirka Dowladda Shiinaha kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, siyaasadda, diblomaasiyadda iyo doorka ay dowladdiisu ka qaadan karto gurmadka …