Khudbado

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGA KA JARAY LABO WADDO OO LAGA DHISAY MAGAALADA MUQDISHO

Muqdisho, Oktoobar 15, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis. Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGA KA JARAY LABO WADDO OO LAGA DHISAY MAGAALADA MUQDISHO Read More »

MADAXWEYNE XASAN OO KA HADLAY HALKA UU MARAYO HALGANKA KA DHANKA AH ARGAGIXISADA, AMNIGA IYO KAALINTA SHACABKA.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, amniga iyo kaalinta shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Khudbadiisa Jimcaha ee maanta kaga hadlay dowlad wanaaga iyo heshiiska hanaanka doorashooyinka dalka. 

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO KORMEER KU TAGAY XERADA CIIDAMADA GUUTADA CALI BINU ABIIDAALIB EE DEGMADA MAXAAS

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay xerada ciidamada Guutada Cali binu Abiidaalib ee degmada Maxaas ayaa ku bogaadiyey guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka Khawaarijta, isaga oo kula dardaarmay in aysan marnaba is-dhigan oo ay isha ku hayaan cadawga, waxa uuna ku ammaanay diyaar garawga ay ugu jiraan sidii …

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO KORMEER KU TAGAY XERADA CIIDAMADA GUUTADA CALI BINU ABIIDAALIB EE DEGMADA MAXAAS Read More »

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA MAGAALADA DHUUSAMAAREEB UGA QAYB GALAY KULAN DADWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka. Madaxweynaha oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen ladagaallanka Khawaarijta ayaa …

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD AYAA MAGAALADA DHUUSAMAAREEB UGA QAYB GALAY KULAN DADWEYNE Read More »

MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO XARIGA KA JARAY XARUNTA BANGIGA DHEXE EE SOOMAALIYA UU KU YEELANAYO GALMUDUG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa xariga ka jaray xarunta Bangiga dhexe ee Soomaaliya uu ku yeelanayo Galmudug, taasi oo bixindoonta dhammaan adeegyada uu qabto Bangiga dhexe ee dalka. 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY GUMEYSIGA MAANTA EE ARGAGIXSADA, DOWLAD-DHISKA SOOMAALIYA IYO DOORKA SOOMAALILAND EE XORNIMADA

Muqdisho, Luulyo 01, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda. Gumesyigii …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA HADLAY GUMEYSIGA MAANTA EE ARGAGIXSADA, DOWLAD-DHISKA SOOMAALIYA IYO DOORKA SOOMAALILAND EE XORNIMADA Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “SOOMAALIYA QURXOON OO AY NAGU MAHADIYAAN KUWA U DABBAAL DEGI DOONA SANNAD GUURADA 100-AAD AYAA LA RABAA IN AYNU HIRGELINNO”

Muqdisho, Juun 26, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo. Madaxweynaha ayaa …

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “SOOMAALIYA QURXOON OO AY NAGU MAHADIYAAN KUWA U DABBAAL DEGI DOONA SANNAD GUURADA 100-AAD AYAA LA RABAA IN AYNU HIRGELINNO” Read More »

Scroll to Top