Bayannada

Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadallo Ku yeesahy Villa Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha …

Madaxweyne Farmaajo Iyo Dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadallo Ku yeesahy Villa Soomaaliya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa

Muqdisho, Maarso 16, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay …

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa Read More »

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GOOR DHAW SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo …

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO GOOR DHAW SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Kampala ee nabadda, isdhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo …

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shirka Kampala ee nabadda, isdhexgalka iyo kobcinta dhaqaalaha Afrika Read More »

Marxuum Cabdi Xoosh wuxuu aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai. Madaxweynaha ayaa yiri: “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku …

Marxuum Cabdi Xoosh wuxuu aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka Read More »

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa saaka wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya. Ajandaha wada hadalladan oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo …

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyay in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal Read More »

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw u ambabaxaya magaalada Nayroobi halkaas oo ay wadahadallo saddex geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta. Wadahadalladii u socday Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa goor dhaw soo gabagaboobay, waxayna …

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo ku wajahan dalka Kenya Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Shaqo ugu Ambabaxay Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah. Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal …

Madaxweyne Farmaajo oo Booqasho Shaqo ugu Ambabaxay Dalka Qatar Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar. Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo …

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo noqday Read More »

Khudbadda Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya. Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah …

Khudbadda Madaxweynaha ee Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub Read More »

Scroll to Top